Since 1960 – madaxweyne ku xigeenka jsl iyo wefdigiisii oo si weyn loogu soo dhaweeyay gobolka saraar

Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo Wefdigiisii oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka SARAAR

Thursday, 03 April 2008

LaasSample Imagecaanood (SN) Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , xalay si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceynaba ee Gobolka Saraar.

Wefdigii Madaxweyne ku xigeenka oo ka soo amba baxay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxa wefdigiisa xubno ka ah Wasiiro  iyo xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), waxa shalay Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Sool Mudane Cali Maxamuud Axmed ‘’Cali Sandulle’’, Maayarka Laascaanood iyo Boqolaal dadweyne ah.

Sample Image

 

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , oo kormeer ku soo maray xarunta gobolka iyo xafiisyada laamaha dawlada  ee gobolka Sool waxa uu kulan kula yeeshay shalay galab huteelka Xamdi ee Magaalada Laascaanood Cuqaasha , Waxgaradka , Maamulka gobolka iyo Degmada  iyo Ururada Bulshada ee Magaaladaasi.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo kulankaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi ‘’Maanta ujeedada socdaalkayagu maaha mid siyaasadeed , ee waa mid gurmad abaareed , waxana aan idiin sidaa duco’’.

Madaxweyne ku xigeenka JSL  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ‘’horta dhirta xaabada laga dhigay ee laga dhoofinayo Jabuuti iyo Boosaaso aan iska qabano , isla markaana waa in aynu xal u helnaa wixii lagu bedeli lahaa  dhuxusha ee aynu cuntada ku karsan lahayn’’.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay gobolka Sool ugu tallo gashay barnaamij horumarineed oo dib loogu dhisayo adeegyada aasaasiga ah , hase yeeshee ay dalka soo food saartay abaaro ba’an.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu warbixin ka dhagaystay Cuqaasha iyo Maamulka gobolka Sool oo uga waramay baahiyaha ugu daran iyo duruufaha nabad gelyo iyo horumarineed ee gobolka Sool.

Cuqaasha iyo Waxgaradka Sool , waxay Madaxweyne ku xigeenka ka dal badeen  in xukuumada Somaliland ka dhabayso ballan qaadyadii ku wajahnaa horumarinta gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *